marka lagu dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).
wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana wax walba waa karaa (oos doonoo).
Eebaha Dhulka idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo og.
haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo hadhay haddaad runlowtihiin.
Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo.
Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.
Xusa markuu (Nabi) Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada Dhagaxa, waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad ha ku xumeynina.
markaasay ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo.
markay la kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan (u qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah) si ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn.
markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato, gaaladee.
waxaa u xun waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
mise waxaad dooneeysaan inaad wax warsataan Rasuulkkiinna sidii loo warsaday (Nabi) Muuse mar hore ruuxii ku bedasha Gaalnimo limaan wuxuu ka dhumay Jidka toosan.
cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu xuso Magaciisa, una camal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu) kuwaas (Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee, Adduunka waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn.
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan.
xusuuso markaan ka yeeley baydka (Kacbada) meel Dadku ku kulmo, iyo Nabadgalyo kana yeesha Maqaamka Ibrahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonay Nabi Ibrahim iyo Ismaaeiil inay u daahiriyaan baydkayaga kuwa dhawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa Rukuuei ee sujuudi.
wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
mise waxaad dhahaysaan Nabi Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub iyo Caruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara, waxad dhahdaa ma idinkaa wax og Mise Eeben yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebe ku yeeshay, Eebana ma halmaamo waxaad falaysaan.
saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka.
dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma halmaansana waxay Camal fali.
hadaad ula timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi kuu yimid (waxyiga Eebe), waxaad ka mid noqon daalimiinta.
meelkastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan.
Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.
Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay.
marka lagu dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu raaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn Hanuunsanayna (miyey raaci),
waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna ma arkaan, waxna ma kasaan.
waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq vayna ku tahay kuwa dhawrsada.
hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.
hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og.
waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad Liibaantaane.
ku dila meeshaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe.
Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda) waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada.
Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow.
korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan.
markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb.
xusa Eebe maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulmin.
waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan.
ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi iyo Cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, waa goorma gargaarka Eebe, gargaarka Eebana waa dhawyahay.
ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan.
waxay ku waydiin Caadada (Haweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya.
Haweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta.
hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin kale, hadduu (kaasi) furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og.
haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay.
dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay.