Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: Hud   Ayə:
۞ وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ رِزۡقُهَا وَيَعۡلَمُ مُسۡتَقَرَّهَا وَمُسۡتَوۡدَعَهَاۚ كُلّٞ فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ
6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay4 rugtiisa hoyaadka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
4. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeedaa dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa.
Ərəbcə təfsirlər:
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ وَكَانَ عَرۡشُهُۥ عَلَى ٱلۡمَآءِ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۗ وَلَئِن قُلۡتَ إِنَّكُم مَّبۡعُوثُونَ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡمَوۡتِ لَيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa gaalooba odhan: "Kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah".
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle Kor ahaaye wuxuu leeyahay: “Wax la bax (ina aadamow) si aan wax kuugu bixiyo oo kuu siiyo. (ogaada) Gacanta Alle waa buuxdaa, mana saameyso wax bixinta joogtada ah habeen iyo maalinba. Soo ma aragtid in wixii uu bixiyey tan iyo intii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxba ayan ka dhimin waxa ku jira Gacantiisa, Carshigiisuna wuxuu ahaa biyo korkiisa, waxaana Gacantiisa ah miisaanka uu ku kor yeelo ama hoos yeelo (meeqaanka qofkuu doono). W.w. Al-Bukhaari.
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَئِنۡ أَخَّرۡنَا عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابَ إِلَىٰٓ أُمَّةٖ مَّعۡدُودَةٖ لَّيَقُولُنَّ مَا يَحۡبِسُهُۥٓۗ أَلَا يَوۡمَ يَأۡتِيهِمۡ لَيۡسَ مَصۡرُوفًا عَنۡهُمۡ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِنَّا رَحۡمَةٗ ثُمَّ نَزَعۡنَٰهَا مِنۡهُ إِنَّهُۥ لَيَـُٔوسٞ كَفُورٞ
9. Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, xaq diiddo iyo abaal dhac badan.
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ نَعۡمَآءَ بَعۡدَ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ ذَهَبَ ٱلسَّيِّـَٔاتُ عَنِّيٓۚ إِنَّهُۥ لَفَرِحٞ فَخُورٌ
10. Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan.
Ərəbcə təfsirlər:
إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ
11. Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
Ərəbcə təfsirlər:
فَلَعَلَّكَ تَارِكُۢ بَعۡضَ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ وَضَآئِقُۢ بِهِۦ صَدۡرُكَ أَن يَقُولُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ كَنزٌ أَوۡ جَآءَ مَعَهُۥ مَلَكٌۚ إِنَّمَآ أَنتَ نَذِيرٞۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٌ
12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida oo Wakiil ah.
6. Tixgelin dhibaatooyinka la soo gudboonaada Nabiga s.c.w, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku gubaabiyey Nabiga inuu samir yeesho, yaqiin, sugnaan, si uusan u gabin xilka gaarsiinta Dhambaalka Alle.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: Hud
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq