Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: əz-Zumər   Ayə:
قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ
11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.
Ərəbcə təfsirlər:
وَأُمِرۡتُ لِأَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
12. Waxaana la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).
Ərəbcə təfsirlər:
قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
13. Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin Daran.
Ərəbcə təfsirlər:
قُلِ ٱللَّهَ أَعۡبُدُ مُخۡلِصٗا لَّهُۥ دِينِي
14. Dheh: Allaah keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada.
Ərəbcə təfsirlər:
فَٱعۡبُدُواْ مَا شِئۡتُم مِّن دُونِهِۦۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَأَهۡلِيهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡخُسۡرَانُ ٱلۡمُبِينُ
15. Ee caabuda idinku waxaad doontaan Isaga sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha cad.
Ərəbcə təfsirlər:
لَهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ ظُلَلٞ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحۡتِهِمۡ ظُلَلٞۚ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥۚ يَٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ
16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow (dhowra xilkaan idin saaray oo) iga Cabsada (iskana jira Ciqaabkeyga).
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱلَّذِينَ ٱجۡتَنَبُواْ ٱلطَّٰغُوتَ أَن يَعۡبُدُوهَا وَأَنَابُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰۚ فَبَشِّرۡ عِبَادِ
17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut (ilaahyada beenta)4 oo u laabta Allaah (iyagoo toobad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
4. Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Alle sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas.
Ərəbcə təfsirlər:
ٱلَّذِينَ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقَوۡلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحۡسَنَهُۥٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican5, kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
5. Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Alle oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw).
Ərəbcə təfsirlər:
أَفَمَنۡ حَقَّ عَلَيۡهِ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِي ٱلنَّارِ
19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta.
Ərəbcə təfsirlər:
لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ لَهُمۡ غُرَفٞ مِّن فَوۡقِهَا غُرَفٞ مَّبۡنِيَّةٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ ٱلۡمِيعَادَ
20. Kuwase dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood (oo ka cabsada cadaabka Alle) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.
Ərəbcə təfsirlər:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَلَكَهُۥ يَنَٰبِيعَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصۡفَرّٗا ثُمَّ يَجۡعَلُهُۥ حُطَٰمًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ
21. Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: əz-Zumər
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq