Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Ənam   Ayə:
فَقُطِعَ دَابِرُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْۚ وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
45. Markaasaa la cidhibtiray dadkii falay dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale). Ammaan idilkeed iyo mahadna waxaa mudan Alle, Rabbiga uumanka.
Ərəbcə təfsirlər:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَخَذَ ٱللَّهُ سَمۡعَكُمۡ وَأَبۡصَٰرَكُمۡ وَخَتَمَ عَلَىٰ قُلُوبِكُم مَّنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِهِۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ ثُمَّ هُمۡ يَصۡدِفُونَ
46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Alle qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daboosha; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?
Ərəbcə təfsirlər:
قُلۡ أَرَءَيۡتَكُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُ ٱللَّهِ بَغۡتَةً أَوۡ جَهۡرَةً هَلۡ يُهۡلَكُ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
47. Dheh: Bal ka warrama, hadduu idiinku yimaado Cadaabka Alle kedis ama caddaan; Miyaa la halaagaa waxaan aheyn qoloda daalimiinta (gar diidka) ah?
Ərəbcə təfsirlər:
وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۖ فَمَنۡ ءَامَنَ وَأَصۡلَحَ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَمَسُّهُمُ ٱلۡعَذَابُ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
49. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaa taaban (soo gaari oo ku dhici) cadaab caasintooda darteed.
Ərəbcə təfsirlər:
قُل لَّآ أَقُولُ لَكُمۡ عِندِي خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ وَلَآ أَقُولُ لَكُمۡ إِنِّي مَلَكٌۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۚ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُۚ أَفَلَا تَتَفَكَّرُونَ
50. Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Alle, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon, idinkumana dhahayo waxaan anigu ahay malag. Waxaan uun raacaa waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan indhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan fakaraynin?
Ərəbcə təfsirlər:
وَأَنذِرۡ بِهِ ٱلَّذِينَ يَخَافُونَ أَن يُحۡشَرُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ لَيۡسَ لَهُم مِّن دُونِهِۦ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha).
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَا تَطۡرُدِ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ مَا عَلَيۡكَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَمَا مِنۡ حِسَابِكَ عَلَيۡهِم مِّن شَيۡءٖ فَتَطۡرُدَهُمۡ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
52. Hana eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.
2. Qofna lama weydiinayo camallada iyo niyooyinka qof kale, Aayadaha 52-54 waxay ka hadlayaan fuqurada muslimiinta. markii uu Rasuulka s.c.w. la fadhiistay mu’miniintaa qaarkood, kuwaasoo ay Quraysh u arkeen inay yihiin kuwo liita oo daciif ah iyo masaakiin, waxay madaxdii Quraysh u yimaadeen Nabiga s.c.w. wayse diideen oo iska weyneeyeen inay la fadhiistaan mu’miniintaa, oo u soo jeediyeen inuu eryo si ay ula hadlaan, waxay ku yidhaahdeen haddii aad iska kala eriso, markaa waan ku raacaynaa. markaasaa waxaa soo degay Aayaddan.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Ənam
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq