Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: ət-Talaq   Ayə:
أَسۡكِنُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ سَكَنتُم مِّن وُجۡدِكُمۡ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُواْ عَلَيۡهِنَّۚ وَإِن كُنَّ أُوْلَٰتِ حَمۡلٖ فَأَنفِقُواْ عَلَيۡهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ فَإِنۡ أَرۡضَعۡنَ لَكُمۡ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأۡتَمِرُواْ بَيۡنَكُم بِمَعۡرُوفٖۖ وَإِن تَعَاسَرۡتُمۡ فَسَتُرۡضِعُ لَهُۥٓ أُخۡرَىٰ
6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi (dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan). Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin 7.
7. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233.
Ərəbcə təfsirlər:
لِيُنفِقۡ ذُو سَعَةٖ مِّن سَعَتِهِۦۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيۡهِ رِزۡقُهُۥ فَلۡيُنفِقۡ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَاۚ سَيَجۡعَلُ ٱللَّهُ بَعۡدَ عُسۡرٖ يُسۡرٗا
7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey, kiina ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib.
Ərəbcə təfsirlər:
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ عَتَتۡ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبۡنَٰهَا حِسَابٗا شَدِيدٗا وَعَذَّبۡنَٰهَا عَذَابٗا نُّكۡرٗا
8. Maxay badan tahay magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusu- shiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada).
Ərəbcə təfsirlər:
فَذَاقَتۡ وَبَالَ أَمۡرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمۡرِهَا خُسۡرًا
9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro.
Ərəbcə təfsirlər:
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ قَدۡ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكُمۡ ذِكۡرٗا
10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhwora (xilkuu idin saaray) Alle wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan).
Ərəbcə təfsirlər:
رَّسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ قَدۡ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزۡقًا
11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Ilaahay ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkiina rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Allaah Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa.
Ərəbcə təfsirlər:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ وَمِنَ ٱلۡأَرۡضِ مِثۡلَهُنَّۖ يَتَنَزَّلُ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنَهُنَّ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عِلۡمَۢا
12. Allaah waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale (ka abuuray8). Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Allaah ku koobo wax walba ogaal.
8. Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: ət-Talaq
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq