Check out the new design

Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub * - Übersetzungen

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Yūnus   Vers:

Yuunis

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ
1. Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda Badan2.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
2. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ رَجُلٖ مِّنۡهُمۡ أَنۡ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنَّ لَهُمۡ قَدَمَ صِدۡقٍ عِندَ رَبِّهِمۡۗ قَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٞ مُّبِينٌ
2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir cad.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۖ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ إِذۡنِهِۦۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
3. Hubaal, Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa, Isagaa maamula arrinka 'uunka dhammaan'. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, Miyaydaan waansamayn?
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقًّاۚ إِنَّهُۥ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeya ee samaha fala. Kuwase gaalooba waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan (Aakhirada) gaalnimadooda darteed.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلشَّمۡسَ ضِيَآءٗ وَٱلۡقَمَرَ نُورٗا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Alle uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq. Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
إِنَّ فِي ٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَّقُونَ
6. Xaqiiq is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha).
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
 
Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Yūnus
Suren/ Kapiteln Liste Nummer der Seite
 
Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub - Übersetzungen

Übersetzt von Abdullah Hasan Yaqub.

Schließen