Check out the new design

Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub * - Übersetzungen

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Ar-Raʿd   Vers:
۞ مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ أُكُلُهَا دَآئِمٞ وَظِلُّهَاۚ تِلۡكَ عُقۡبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْۚ وَّعُقۡبَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٱلنَّارُ
35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee ka dhowrsada xumaha) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَفۡرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَۖ وَمِنَ ٱلۡأَحۡزَابِ مَن يُنكِرُ بَعۡضَهُۥۚ قُلۡ إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشۡرِكَ بِهِۦٓۚ إِلَيۡهِ أَدۡعُواْ وَإِلَيۡهِ مَـَٔابِ
36. Kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u tawbad keeno)".
18. Yuhuuddii iyo Nasaaradii soo galay islaamka.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ حُكۡمًا عَرَبِيّٗاۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا وَاقٖ
37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَذُرِّيَّةٗۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ لِكُلِّ أَجَلٖ كِتَابٞ
38. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba19. Umana laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Alle u gooyo oo qoran.
19.Casri kasta wuxuu leeyahay axkaan uu Alle u jideeyo addoomahiisa oo ku saleysan Xikmaddiisa.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
يَمۡحُواْ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثۡبِتُۖ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلۡكِتَٰبِ
39. Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka 20.
20.Waa Looxa Maxfuudka oo ay ku qoran yihiin asalka Kitaab kasta uu Alle soo waxyooday iyo wax kasta oo Alle qaddaray.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ وَعَلَيۡنَا ٱلۡحِسَابُ
40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَاۚ وَٱللَّهُ يَحۡكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda (furasho ama abaar21)? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.
21.Waxay tilmaameysaa fiditaanka islaamka, iyo soo yaraanshaha dhulalka ay ka taliyaan mushrikiinta.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَقَدۡ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَلِلَّهِ ٱلۡمَكۡرُ جَمِيعٗاۖ يَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٖۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلۡكُفَّٰرُ لِمَنۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
42. Kuwii ka horreeyey baa tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar). Gaaladu way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
 
Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Ar-Raʿd
Suren/ Kapiteln Liste Nummer der Seite
 
Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub - Übersetzungen

Übersetzt von Abdullah Hasan Yaqub.

Schließen