Check out the new design

Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub * - Übersetzungen

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Al-Baqarah   Vers:
ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ ٱلرِّبَوٰاْ لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ ٱلَّذِي يَتَخَبَّطُهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ مِنَ ٱلۡمَسِّۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡبَيۡعُ مِثۡلُ ٱلرِّبَوٰاْۗ وَأَحَلَّ ٱللَّهُ ٱلۡبَيۡعَ وَحَرَّمَ ٱلرِّبَوٰاْۚ فَمَن جَآءَهُۥ مَوۡعِظَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ فَٱنتَهَىٰ فَلَهُۥ مَا سَلَفَ وَأَمۡرُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِۖ وَمَنۡ عَادَ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
275. Kuwa Ribada ku macaamila kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco [81]. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada. Alle wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay [82]; arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.
81. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, wuxuuna noqon sida qof waalan oo dhacdhacaya Maalinta Qiyaamaha.
82. Intaan la xarrimin oo looma raacanayo. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
يَمۡحَقُ ٱللَّهُ ٱلرِّبَوٰاْ وَيُرۡبِي ٱلصَّدَقَٰتِۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ كَفَّارٍ أَثِيمٍ
276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Alle ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
277. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ ٱلرِّبَوٰٓاْ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada oo iskaga taga waxa ka baaqi ah ribada (kor saarka), haddaad tihiin mu’miniin.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ فَأۡذَنُواْ بِحَرۡبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَإِن تُبۡتُمۡ فَلَكُمۡ رُءُوسُ أَمۡوَٰلِكُمۡ لَا تَظۡلِمُونَ وَلَا تُظۡلَمُونَ
279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) [83].
83. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَإِن كَانَ ذُو عُسۡرَةٖ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَيۡسَرَةٖۚ وَأَن تَصَدَّقُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen [84].
84. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Alle noo cafiyo oo noogu denbi dhaafo, markaasuu Alle u denbi dhaafay.” w.w. Al-Bukhaari.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَٱتَّقُواْ يَوۡمٗا تُرۡجَعُونَ فِيهِ إِلَى ٱللَّهِۖ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
 
Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Al-Baqarah
Suren/ Kapiteln Liste Nummer der Seite
 
Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub - Übersetzungen

Übersetzt von Abdullah Hasan Yaqub.

Schließen