1. Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo soo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan), waana ka Sarreeyaa1 waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
1. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda.
25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah).
26. Waxaa wax dhagray oo tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn.
28. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki iyo xumo kale). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.
6. Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda.
30. Waxaa lagu yidhi kuwa ka cabsada Alle (ee u hoggaansan): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdeen: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira(xumaha ee dhowra amarrada Alle).
31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).
32. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.
33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Allena ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
7. Ka imaanshaha cadaab xagga Alle si uu ugu halaago.
35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?
36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa).
38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga.
41. Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.
43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.
44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.
51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Anigoo Keliya iga cabsada10.
10. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Alle iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Alle, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Alle wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w. Al-Bukhaari.
52. Alle baana iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan wxaan ahayn Alle.
56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay11garanayn (oo ilaahyo been ah). Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
11. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
66. Waxaana idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi.
16. Aayaddan waxaa la soo dejiyey ka hor inta aan la xarrimin khamriga. Waxay muujineysaa xaqiiqda in waxyaalaha qaarkood ay ku jiraan dhibaato iyo in sidoo kale lahaan karaan xoogaa wanaag ah.
71. Alle wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee ma Nicmadda Alle (Islaamka) baa waxay diiddan yihiin?
17. Xujada lagu xusay Aayaddan waxaa weeye: Hadday u arkin waxyaalaha ay leeyihiin wax la siman iyaga, haddaba sidee bay ula simi karaan Alle uunkiisa oo uga dhigi shariikyo.
76. Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan (Islaamka)?
77. Alle baana iska leh waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Arrinka Saacadda (Qiyaamana) ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
84. (Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa gaaloobay (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan.
86. Markay kuwa Alle u shariig yeela (cid kale)20 arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.
20. Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta .
21. Waa rumeysnaanta inuu Alle leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurukadaasina ay uga shafeeci Alle agti.
87. Waxayna (gaalada mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo been ah).
89. (Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah,oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta22.
22. Muslimiin waa kuwa isu dhiiba Doonista Alle ee u hoggaansan.
91. Oofiya Ballanka Alle markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad falaysaan.
92. Ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale (darteed23). Alle waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.
23. Muslimiinta tiro ahaan way yaraayen, waxayna la galeen gaalada heshiis., Markii ay arkeen Quryash inay tiro badan yihiin, oo ay muslimiinta dheer yihiin xoog iyo xeeladba iyo waayo aragnimo, waxay door bideen inay uga baxaan heshiiska Nabiga s.c.w., ficilkan oo kalena Alle wuu reebay. Macnaha waa ha ugu dhaarannina been ama ha burinnina heshiis ama ka bixina ballan aad gasheen dano adduunyo darteed, si kastaba uga xoog badnaadee cadowgiinna.
96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.
97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen24.
24. Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Alle agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo.
103. Waxaana ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye25, kanina waa af Carabi faseex ah.
25. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah.
112. Alle wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Alle. Sidaas darteed Alle ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed27.
115. Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
116. Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan.
118. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay28. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
28. Waa waxa ku soo arooray Suuradda Al –Ancaam Aayadda 146
125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Njeñtudi wiɗto ngoo:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".