Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore wimmboolo hayre   Aaya:

Al-kahf

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبۡدِهِ ٱلۡكِتَٰبَ وَلَمۡ يَجۡعَل لَّهُۥ عِوَجَاۜ
1. Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah2.
1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xifdiya tobanka Aayadood ee hore ee Suuradda Al-Kahaf, waa laga dhowraa Masiix Ad-Dajjaal”. W.w. Muslim
2. Waa kitaab toosan Qur’aanka oo qofkii raacaa uusan lahaaneyn qallooc iyo leexleexasho. Wuxuuna Alle ku soo dejiyey addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w.
Faccirooji aarabeeji:
قَيِّمٗا لِّيُنذِرَ بَأۡسٗا شَدِيدٗا مِّن لَّدُنۡهُ وَيُبَشِّرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرًا حَسَنٗا
2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).
Faccirooji aarabeeji:
مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدٗا
3. Ay ku negaadi weligood.
Faccirooji aarabeeji:
وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗا
4. Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore wimmboolo hayre
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude