Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simooee njomolaaji   Aaya:

Al-cankabuut

الٓمٓ
1. Alif Laam-Miim1
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
Faccirooji aarabeeji:
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ
2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?
Faccirooji aarabeeji:
وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ
3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.
Faccirooji aarabeeji:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka2 inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.
2. Shirkiga iyo xumaha kale sida dilka, zinada-dhilleysiga, xatooyada, kibirka, beenta, khiyaanada, xasadka, iwm.
Faccirooji aarabeeji:
مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Faccirooji aarabeeji:
وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفۡسِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
6. Qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal, Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simooee njomolaaji
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude