Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore pelle   Aaya:
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا
44. Bariidaoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
Faccirooji aarabeeji:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan33.
33. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”
Faccirooji aarabeeji:
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا
46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.
Faccirooji aarabeeji:
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا
47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
Faccirooji aarabeeji:
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, iskuna hallee Alle oo talo saaro. Alle ku Filan wakiil ahaan.
Faccirooji aarabeeji:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.
Faccirooji aarabeeji:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore pelle
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude