Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore jarribaaɗo   Aaya:
لَقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِيهِمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَۚ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ
6. Waxaa dhab ahaan idiinku sugan ku dayasho wanaagsan uu raaco qofkii rajeeya Allaah oo (ku haya maanka) Maalinta Aakhiro. Kiise ka jeesta (Xaqa), hubaal Alle waa Hodanka, Ammaanan.
Faccirooji aarabeeji:
۞ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجۡعَلَ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ عَادَيۡتُم مِّنۡهُم مَّوَدَّةٗۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٞۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
7. Waa intaasoo Alle yeelo jaceyl dhexdiinna idinka iyo kuwaad collaytanteen ee ka midka ah (gaalada oo soo islaamaan). Alle wax walba wuu Karaa5. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
5. Inuu hirgeliyo tani ama waxa uu doonoba.
Faccirooji aarabeeji:
لَّا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَلَمۡ يُخۡرِجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ أَن تَبَرُّوهُمۡ وَتُقۡسِطُوٓاْ إِلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ
8. Alle idinkama reebayo kuwaan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u samo iyo caddaalad fashaan. Hubaal Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah.
Faccirooji aarabeeji:
إِنَّمَا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَٰتَلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَأَخۡرَجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ وَظَٰهَرُواْ عَلَىٰٓ إِخۡرَاجِكُمۡ أَن تَوَلَّوۡهُمۡۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
9. Wuxuu Alle idinka reebayaa kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, ama ku taageeray (kuwo kale) qixintiinna inaad ka dhigataan xulufo. Qofkii ka dhigta kuwaasi xulufo, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.
Faccirooji aarabeeji:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Alle, Isaga baa idin kala xukumi. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Faccirooji aarabeeji:
وَإِن فَاتَكُمۡ شَيۡءٞ مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ إِلَى ٱلۡكُفَّارِ فَعَاقَبۡتُمۡ فَـَٔاتُواْ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتۡ أَزۡوَٰجُهُم مِّثۡلَ مَآ أَنفَقُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ
11. Hadday wax ka mid ahi xaasaskiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas guul heshaan iyo qaniimo, siiya kuway xaasaskoodu tageen (oo gaalada ku biireen) wax u dhigma waxay bixiyeen (oo meher ah6). Alle ka cabsada ee ah Kan aad rumaysan tihiin.
6. Waxaa loola jeedaa intaan loo qaybinin qaniimada shan meel, waxaa la siin meherkii ay bixiyeen raggaa dumarkooda riddoobeen oo ka aadeen xagga gaalada.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore jarribaaɗo
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude