Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoo tuubabuya   Aaya:
يُرِيدُونَ أَن يُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَيَأۡبَى ٱللَّهُ إِلَّآ أَن يُتِمَّ نُورَهُۥ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.
Faccirooji aarabeeji:
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ
33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane8.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diinta Islaamka waxay gaari doontaa meeshay habeen iyo maalin jiraan, waxayna gali doontaa guri kasta”.
Faccirooji aarabeeji:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡأَحۡبَارِ وَٱلرُّهۡبَانِ لَيَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡبَٰطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۗ وَٱلَّذِينَ يَكۡنِزُونَ ٱلذَّهَبَ وَٱلۡفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka9 ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
9. Dahabka iyo fiddada la kaydiyey waxaa loola jeedaa kuwa aan sakada laga bixin.
Faccirooji aarabeeji:
يَوۡمَ يُحۡمَىٰ عَلَيۡهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكۡوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمۡ وَجُنُوبُهُمۡ وَظُهُورُهُمۡۖ هَٰذَا مَا كَنَزۡتُمۡ لِأَنفُسِكُمۡ فَذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَكۡنِزُونَ
35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.
Faccirooji aarabeeji:
إِنَّ عِدَّةَ ٱلشُّهُورِ عِندَ ٱللَّهِ ٱثۡنَا عَشَرَ شَهۡرٗا فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ يَوۡمَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ مِنۡهَآ أَرۡبَعَةٌ حُرُمٞۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُۚ فَلَا تَظۡلِمُواْ فِيهِنَّ أَنفُسَكُمۡۚ وَقَٰتِلُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ كَآفَّةٗ كَمَا يُقَٰتِلُونَكُمۡ كَآفَّةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ
36. Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh (Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab). Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda (gaar ahaan iyo bilaha kaleba guud ahaan), oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoo tuubabuya
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude