[16]. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.
[17]. Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin.
[18]. Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud.
[19]. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.
[20]. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.