Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Sura: Al'anfal   Aya:
۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel11, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan - tub ku joogga), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa12, maalintay kulmeen labadii ciidan. Alle wax walba wuu Karaa.
11. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan, qaxootiga iyo soo galootiga dhoofka ku yimid ee shisheeyaha ah), 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka.
12. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17, sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan.
Tafsiran larabci:
إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٖ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٖۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ
42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke (ee togga)13, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeenna waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
13. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar.
Tafsiran larabci:
إِذۡ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلٗاۖ وَلَوۡ أَرَىٰكَهُمۡ كَثِيرٗا لَّفَشِلۡتُمۡ وَلَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
43. Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badan, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
Tafsiran larabci:
وَإِذۡ يُرِيكُمُوهُمۡ إِذِ ٱلۡتَقَيۡتُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِكُمۡ قَلِيلٗا وَيُقَلِّلُكُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِهِمۡ لِيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗاۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.
Tafsiran larabci:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمۡ فِئَةٗ فَٱثۡبُتُواْ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
45. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan.
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Sura: Al'anfal
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Abdullahi Hassan Ya'aƙub ne ya fassarasu.

Rufewa