[7]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allahayow ma koobi karno nicmooyinka aad noo gashay iyo ammaantaada ee waa sida aad Adigu isu ammaantay.”
[8]. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu mahdin Alle oo u badhax tirin cibaadada si dhan oo kaamil ah ee istaagaa meel u dhexeysa Iimaan iyo gaalnimo.
[9]. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon.
[10]. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya if iyo Aakhiro.
[11]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Alle Keliya uun baa ogsoon: waqtiga Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”