ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
77 : 19

أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالٗا وَوَلَدًا

77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur [12].” info

[12]. Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa.

التفاسير:

external-link copy
78 : 19

أَطَّلَعَ ٱلۡغَيۡبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan? info
التفاسير:

external-link copy
79 : 19

كَلَّاۚ سَنَكۡتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلۡعَذَابِ مَدّٗا

79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin; info
التفاسير:

external-link copy
80 : 19

وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأۡتِينَا فَرۡدٗا

80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 19

وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لِّيَكُونُواْ لَهُمۡ عِزّٗا

81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso. info
التفاسير:

external-link copy
82 : 19

كَلَّاۚ سَيَكۡفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمۡ وَيَكُونُونَ عَلَيۡهِمۡ ضِدًّا

82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
83 : 19

أَلَمۡ تَرَ أَنَّآ أَرۡسَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمۡ أَزّٗا

83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah). info
التفاسير:

external-link copy
84 : 19

فَلَا تَعۡجَلۡ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمۡ عَدّٗا

84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro [13] 'maalmo go’an'. info

[13]. Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun.

التفاسير:

external-link copy
85 : 19

يَوۡمَ نَحۡشُرُ ٱلۡمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ وَفۡدٗا

85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah. info
التفاسير:

external-link copy
86 : 19

وَنَسُوقُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرۡدٗا

86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad. info
التفاسير:

external-link copy
87 : 19

لَّا يَمۡلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan [14]. info

[14]. Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle.

التفاسير:

external-link copy
88 : 19

وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗا

88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo. info
التفاسير:

external-link copy
89 : 19

لَّقَدۡ جِئۡتُمۡ شَيۡـًٔا إِدّٗا

89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas. info
التفاسير:

external-link copy
90 : 19

تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِنۡهُ وَتَنشَقُّ ٱلۡأَرۡضُ وَتَخِرُّ ٱلۡجِبَالُ هَدًّا

90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 19

أَن دَعَوۡاْ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٗا

91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo). info
التفاسير:

external-link copy
92 : 19

وَمَا يَنۢبَغِي لِلرَّحۡمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا

92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo). info
التفاسير:

external-link copy
93 : 19

إِن كُلُّ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّآ ءَاتِي ٱلرَّحۡمَٰنِ عَبۡدٗا

93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah. info
التفاسير:

external-link copy
94 : 19

لَّقَدۡ أَحۡصَىٰهُمۡ وَعَدَّهُمۡ عَدّٗا

94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan. info
التفاسير:

external-link copy
95 : 19

وَكُلُّهُمۡ ءَاتِيهِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَرۡدًا

95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah. info
التفاسير: