[10]. Shacaa’irallaah waxaa loola jeedaa acmaasha Xajka iyo meelaha lagu cibaadeysto iyo cilmiga sharciga iyo culimada aqoonta u leh diinta ee ku camal fala ee towxiidka heysta oo ka fog shirkiga iyo macaasida, xalaasha quuta, oo hoos isu dhiga, una jajaban dadka.
[11]. Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca.
[12]. Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina.
[13]. Xagga hadyiga waxay ahayd mar waliba qayb ka mid ah diinta uu Alle soo waxyooday.
[14]. Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan.