[25]. Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa.
[26]. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda.
[27]. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm.
[28]. Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn.