ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

external-link copy
151 : 6

۞ قُلۡ تَعَالَوۡاْ أَتۡلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمۡ عَلَيۡكُمۡۖ أَلَّا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗاۖ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُم مِّنۡ إِمۡلَٰقٖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكُمۡ وَإِيَّاهُمۡۖ وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلۡفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنۡهَا وَمَا بَطَنَۖ وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; u muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah [12] maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad garowsataan. info

[12]. Uu sharciga qiray sida qisaaska, dilka murtaddiinta, dhagax ku dilidda zaaniga horay u guursaday ama guursatay haddii lagu caddeeyo zinada ama iyagu qirtaan.

التفاسير: