Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அந்நம்ல்   வசனம்:
وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمٗا وَعُلُوّٗاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمٗاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ
16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
2. Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ
17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوۡاْ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمۡلِ قَالَتۡ نَمۡلَةٞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمۡلُ ٱدۡخُلُواْ مَسَٰكِنَكُمۡ لَا يَحۡطِمَنَّكُمۡ سُلَيۡمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكٗا مِّن قَوۡلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَدۡخِلۡنِي بِرَحۡمَتِكَ فِي عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ
19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli3 Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda4.
3. Erey ahaan macnaha waxaa weeye igu dhex kulmi oo faafi quwad iyo awood aad u sarreysa ee I sahasha adeeciddaada iyo gudashada cibaadada.
4. Macnaha sidoo kale wuxuu noqon karaa: “ oo I geli la jirka addoomahaaga wanaagsan (jannada) lagu waadho.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيۡرَ فَقَالَ مَالِيَ لَآ أَرَى ٱلۡهُدۡهُدَ أَمۡ كَانَ مِنَ ٱلۡغَآئِبِينَ
20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
5. Hud-hud gaar ah oo heer sare ah ka mid ah shimbiraha.
அரபு விரிவுரைகள்:
لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابٗا شَدِيدًا أَوۡ لَأَاْذۡبَحَنَّهُۥٓ أَوۡ لَيَأۡتِيَنِّي بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَمَكَثَ غَيۡرَ بَعِيدٖ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ وَجِئۡتُكَ مِن سَبَإِۭ بِنَبَإٖ يَقِينٍ
22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba6 war la hubo.
6. Saba’ waa magaca boqortooyo jirtay Yaman waa’ hore.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அந்நம்ல்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக