Check out the new design

Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Lokmân   Ayet:

Luqmaan

الٓمٓ
1. Alif Laam Miim2.
1. Luqmaan Al-Xakiim. Waxaa la yidhi wuxuu ahaa qaalli ka mid ah qaalliyaashii banii Israa'iil. Waxaa sidoo kale la yidhi wuxuu ahaa nin Xabashi ah ama Nuubi ee noolaa waqtigii Madyan, sidaas darteed ay Carabtu yaqaaneyn.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
Arapça tefsirler:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan3.
3. Eeg sharaxa Suuradda 10: Aayadda 1
Arapça tefsirler:
هُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّلۡمُحۡسِنِينَ
3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.
Arapça tefsirler:
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ
4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.
Arapça tefsirler:
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.
Arapça tefsirler:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡتَرِي لَهۡوَ ٱلۡحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo4 si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.
4. Hadalka maaweelada ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, waxaase dhab ahaan soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka ama Xusidda Alle.
Arapça tefsirler:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَا كَأَنَّ فِيٓ أُذُنَيۡهِ وَقۡرٗاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.
Arapça tefsirler:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah(Janno).
Arapça tefsirler:
خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah, Allena waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.
Arapça tefsirler:
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
10. Wuxuu (Alle) abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.
Arapça tefsirler:
هَٰذَا خَلۡقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Lokmân
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat