Check out the new design

Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Mâide   Ayet:
سَمَّٰعُونَ لِلۡكَذِبِ أَكَّٰلُونَ لِلسُّحۡتِۚ فَإِن جَآءُوكَ فَٱحۡكُم بَيۡنَهُمۡ أَوۡ أَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡۖ وَإِن تُعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ فَلَن يَضُرُّوكَ شَيۡـٔٗاۖ وَإِنۡ حَكَمۡتَ فَٱحۡكُم بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ
42. (Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah.
Arapça tefsirler:
وَكَيۡفَ يُحَكِّمُونَكَ وَعِندَهُمُ ٱلتَّوۡرَىٰةُ فِيهَا حُكۡمُ ٱللَّهِ ثُمَّ يَتَوَلَّوۡنَ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۚ وَمَآ أُوْلَٰٓئِكَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Alle [14]?. Markaasna ay jeestaan intaasi kaddib. Kuwani ma aha mu’miniin.
14. Oo cad oo ah in dhagax lagu dilo cidday ku caddaato zino iyagoo guur horey u soo maray.
Arapça tefsirler:
إِنَّآ أَنزَلۡنَا ٱلتَّوۡرَىٰةَ فِيهَا هُدٗى وَنُورٞۚ يَحۡكُمُ بِهَا ٱلنَّبِيُّونَ ٱلَّذِينَ أَسۡلَمُواْ لِلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلرَّبَّٰنِيُّونَ وَٱلۡأَحۡبَارُ بِمَا ٱسۡتُحۡفِظُواْ مِن كِتَٰبِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ عَلَيۡهِ شُهَدَآءَۚ فَلَا تَخۡشَوُاْ ٱلنَّاسَ وَٱخۡشَوۡنِ وَلَا تَشۡتَرُواْ بِـَٔايَٰتِي ثَمَنٗا قَلِيلٗاۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
44. Waxaanu soo dejinnay Towraadda uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Alle) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii (Yuhuudda), kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Alle, waxayna ka ahaayeen markhaati. Ee ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga (Alle) Keliya, hana ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah.
Arapça tefsirler:
وَكَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيهَآ أَنَّ ٱلنَّفۡسَ بِٱلنَّفۡسِ وَٱلۡعَيۡنَ بِٱلۡعَيۡنِ وَٱلۡأَنفَ بِٱلۡأَنفِ وَٱلۡأُذُنَ بِٱلۡأُذُنِ وَٱلسِّنَّ بِٱلسِّنِّ وَٱلۡجُرُوحَ قِصَاصٞۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِۦ فَهُوَ كَفَّارَةٞ لَّهُۥۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf [15], ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta [16] waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
15. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Alle haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari.
16. Iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Mâide
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat