Check out the new design

Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûretu'l-Vâkıa   Ayet:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ
51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).
Arapça tefsirler:
لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٖ مِّن زَقُّومٖ
52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah5.
5. Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna.
Arapça tefsirler:
فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ
53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.
Arapça tefsirler:
فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ
54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.
Arapça tefsirler:
فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ
55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.
Arapça tefsirler:
هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ
56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).
Arapça tefsirler:
نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ
57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?
Arapça tefsirler:
أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ
58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda?
Arapça tefsirler:
ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?
Arapça tefsirler:
نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ
60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.
Arapça tefsirler:
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ
61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.
Arapça tefsirler:
وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ
62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?
Arapça tefsirler:
أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ
63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;
Arapça tefsirler:
ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّٰرِعُونَ
64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?
Arapça tefsirler:
لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ
65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.
Arapça tefsirler:
إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ
66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.
Arapça tefsirler:
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
67. Balse waa nala hoojiyey.
Arapça tefsirler:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ
68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?
Arapça tefsirler:
ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ
69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?
Arapça tefsirler:
لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ
70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?
Arapça tefsirler:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ
71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.
Arapça tefsirler:
ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ
72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?
Arapça tefsirler:
نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةٗ وَمَتَٰعٗا لِّلۡمُقۡوِينَ
73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)6.
6. Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro.
Arapça tefsirler:
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
Arapça tefsirler:
۞ فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ
75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٞ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ
76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûretu'l-Vâkıa
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat