Check out the new design

Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûratu't-Tevbe   Ayet:
وَعَلَى ٱلثَّلَٰثَةِ ٱلَّذِينَ خُلِّفُواْ حَتَّىٰٓ إِذَا ضَاقَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَرۡضُ بِمَا رَحُبَتۡ وَضَاقَتۡ عَلَيۡهِمۡ أَنفُسُهُمۡ وَظَنُّوٓاْ أَن لَّا مَلۡجَأَ مِنَ ٱللَّهِ إِلَّآ إِلَيۡهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيۡهِمۡ لِيَتُوبُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' [41], heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.
41. Aayadahani waxay ku soo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin.
Arapça tefsirler:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَكُونُواْ مَعَ ٱلصَّٰدِقِينَ
119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah.
Arapça tefsirler:
مَا كَانَ لِأَهۡلِ ٱلۡمَدِينَةِ وَمَنۡ حَوۡلَهُم مِّنَ ٱلۡأَعۡرَابِ أَن يَتَخَلَّفُواْ عَن رَّسُولِ ٱللَّهِ وَلَا يَرۡغَبُواْ بِأَنفُسِهِمۡ عَن نَّفۡسِهِۦۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ لَا يُصِيبُهُمۡ ظَمَأٞ وَلَا نَصَبٞ وَلَا مَخۡمَصَةٞ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا يَطَـُٔونَ مَوۡطِئٗا يَغِيظُ ٱلۡكُفَّارَ وَلَا يَنَالُونَ مِنۡ عَدُوّٖ نَّيۡلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُم بِهِۦ عَمَلٞ صَٰلِحٌۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle [42], ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
42. Waqtiyada shiddada, waxay aheyd inay la samraan oo la dul qaataan Nabiga s.c.w. oo qabtaan wax kastoo islaamka u baahan yahay.
Arapça tefsirler:
وَلَا يُنفِقُونَ نَفَقَةٗ صَغِيرَةٗ وَلَا كَبِيرَةٗ وَلَا يَقۡطَعُونَ وَادِيًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمۡ لِيَجۡزِيَهُمُ ٱللَّهُ أَحۡسَنَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen.
Arapça tefsirler:
۞ وَمَا كَانَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ لِيَنفِرُواْ كَآفَّةٗۚ فَلَوۡلَا نَفَرَ مِن كُلِّ فِرۡقَةٖ مِّنۡهُمۡ طَآئِفَةٞ لِّيَتَفَقَّهُواْ فِي ٱلدِّينِ وَلِيُنذِرُواْ قَوۡمَهُمۡ إِذَا رَجَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَحۡذَرُونَ
122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûratu't-Tevbe
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat