Check out the new design

قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: بەقەرە   ئايەت:
وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن نَّفَقَةٍ أَوۡ نَذَرۡتُم مِّن نَّذۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُهُۥۗ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٍ
270. Waxaad bixisaanna oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Alle wuu ogsoon yahay. Daalimiintana ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِن تُبۡدُواْ ٱلصَّدَقَٰتِ فَنِعِمَّا هِيَۖ وَإِن تُخۡفُوهَا وَتُؤۡتُوهَا ٱلۡفُقَرَآءَ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۚ وَيُكَفِّرُ عَنكُم مِّن سَيِّـَٔاتِكُمۡۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
271. Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, haddaadse qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Waxaana la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Allena waxaad fashaan waa u Xog Ogaal.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
۞ لَّيۡسَ عَلَيۡكَ هُدَىٰهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يَشَآءُۗ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَلِأَنفُسِكُمۡۚ وَمَا تُنفِقُونَ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ ٱللَّهِۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٖ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ
272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لِلۡفُقَرَآءِ ٱلَّذِينَ أُحۡصِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا يَسۡتَطِيعُونَ ضَرۡبٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ يَحۡسَبُهُمُ ٱلۡجَاهِلُ أَغۡنِيَآءَ مِنَ ٱلتَّعَفُّفِ تَعۡرِفُهُم بِسِيمَٰهُمۡ لَا يَسۡـَٔلُونَ ٱلنَّاسَ إِلۡحَافٗاۗ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٌ
273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo fuqarada u heegan xayirmay Jidka Alle (jihaadka), ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaanna oo khayr ah, Alle wuu Ogsoon yahay.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: بەقەرە
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ تەرجىمە قىلغان.

تاقاش