Check out the new design

قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: ئەنئام   ئايەت:
وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تَأۡكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَقَدۡ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيۡكُمۡ إِلَّا مَا ٱضۡطُرِرۡتُمۡ إِلَيۡهِۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا لَّيُضِلُّونَ بِأَهۡوَآئِهِم بِغَيۡرِ عِلۡمٍۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُعۡتَدِينَ
119. Maxaad la cuni weydeen waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), Wuxuuna horay (Alle) idiinku caddeeyey wuxuu idinka xaaraanshay - waxay dani idinku qabato ma'ahee. Kuwo badan baana ku lumiya (dadka) hawadooda aqoon la’aan darteed. Rabbigaa waa Og yahay kuwa xadgudba.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَذَرُواْ ظَٰهِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَبَاطِنَهُۥٓۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡسِبُونَ ٱلۡإِثۡمَ سَيُجۡزَوۡنَ بِمَا كَانُواْ يَقۡتَرِفُونَ
120. Ka taga denbiga muuqda iyo kan qarsoonba. Kuwa kasbada denbiga waxaa laga goyn waxay kasbadeen.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَا تَأۡكُلُواْ مِمَّا لَمۡ يُذۡكَرِ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَإِنَّهُۥ لَفِسۡقٞۗ وَإِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِهِمۡ لِيُجَٰدِلُوكُمۡۖ وَإِنۡ أَطَعۡتُمُوهُمۡ إِنَّكُمۡ لَمُشۡرِكُونَ
121. Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.
7. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
أَوَمَن كَانَ مَيۡتٗا فَأَحۡيَيۡنَٰهُ وَجَعَلۡنَا لَهُۥ نُورٗا يَمۡشِي بِهِۦ فِي ٱلنَّاسِ كَمَن مَّثَلُهُۥ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ لَيۡسَ بِخَارِجٖ مِّنۡهَاۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡكَٰفِرِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٍ أَكَٰبِرَ مُجۡرِمِيهَا لِيَمۡكُرُواْ فِيهَاۖ وَمَا يَمۡكُرُونَ إِلَّا بِأَنفُسِهِمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
123. Sidaasaan u yeelnay magaalo walba gudaheed denbiilayaal waaweyn (madax iyo maalqabeenno xun) si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذَا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ قَالُواْ لَن نُّؤۡمِنَ حَتَّىٰ نُؤۡتَىٰ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ رُسُلُ ٱللَّهِۘ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ حَيۡثُ يَجۡعَلُ رِسَالَتَهُۥۗ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ صَغَارٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا كَانُواْ يَمۡكُرُونَ
124. Markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Rumeyn meyno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Alle. Alle baa ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaalkiisa. Waxaa ku dhici denbiilayaasha dulli xag Alle ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: ئەنئام
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ تەرجىمە قىلغان.

تاقاش