قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - الترجمة الصومالية - يعقوب * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: سۈرە ئەنپال   ئايەت:

Suurada Al-anfaal

يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa leh Allaah iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle (weyneyn iyo ka heybeysi), marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ
5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah (inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyin- ka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr), inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
6. Waxay kaala doodayeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
1. Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذۡ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحۡدَى ٱلطَّآئِفَتَيۡنِ أَنَّهَا لَكُمۡ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيۡرَ ذَاتِ ٱلشَّوۡكَةِ تَكُونُ لَكُمۡ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقۡطَعَ دَابِرَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood (colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya) inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.
2. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لِيُحِقَّ ٱلۡحَقَّ وَيُبۡطِلَ ٱلۡبَٰطِلَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ تَسۡتَغِيثُونَ رَبَّكُمۡ فَٱسۡتَجَابَ لَكُمۡ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلۡفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُرۡدِفِينَ
9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ وَلِتَطۡمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمۡۚ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
10. Kama uu yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةٗ مِّنۡهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذۡهِبَ عَنكُمۡ رِجۡزَ ٱلشَّيۡطَٰنِ وَلِيَرۡبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمۡ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلۡأَقۡدَامَ
11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَنِّي مَعَكُمۡ فَثَبِّتُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ سَأُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ فَٱضۡرِبُواْ فَوۡقَ ٱلۡأَعۡنَاقِ وَٱضۡرِبُواْ مِنۡهُمۡ كُلَّ بَنَانٖ
12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin3.
3. Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin hadduu cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale foodaha waxaa loola jeedaa faraha gacmahooda iyo cagahooda.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ شَآقُّواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
13. Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu daran yahay.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ذَٰلِكُمۡ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ
14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ زَحۡفٗا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ
15. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan kuwa gaaloobay oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَمَن يُوَلِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفٗا لِّقِتَالٍ أَوۡ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٖ فَقَدۡ بَآءَ بِغَضَبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
16. Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Alle, hoygiisuna waa Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
فَلَمۡ تَقۡتُلُوهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمۡۚ وَمَا رَمَيۡتَ إِذۡ رَمَيۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ وَلِيُبۡلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡهُ بَلَآءً حَسَنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
17. Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Mana aadan ganayn4 markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
4. Markii uu Nabigu s.c.w. ku ganay gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Alle wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diidday inay horay u soo dhaqaaqaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ذَٰلِكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيۡدِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِن تَسۡتَفۡتِحُواْ فَقَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡفَتۡحُۖ وَإِن تَنتَهُواْ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۖ وَإِن تَعُودُواْ نَعُدۡ وَلَن تُغۡنِيَ عَنكُمۡ فِئَتُكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَوۡ كَثُرَتۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnu- na waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَأَنتُمۡ تَسۡمَعُونَ
20. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
21. Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
۞ إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلۡبُكۡمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ
22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَوۡ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمۡ خَيۡرٗا لَّأَسۡمَعَهُمۡۖ وَلَوۡ أَسۡمَعَهُمۡ لَتَوَلَّواْ وَّهُم مُّعۡرِضُونَ
23. Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَجِيبُواْ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمۡ لِمَا يُحۡيِيكُمۡۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَقَلۡبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.
5. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱتَّقُواْ فِتۡنَةٗ لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمۡ خَآصَّةٗۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
25. iska jirana fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee dulmiga fala6; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.
6. Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Alle iyo Rasuulkiisa.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٞ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانٗا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhwortaan xilkuu idin saaray), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ
30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay, Allena waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi7.
7. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَمَا لَهُمۡ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمۡ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَمَا كَانُوٓاْ أَوۡلِيَآءَهُۥٓۚ إِنۡ أَوۡلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُتَّقُونَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
34. Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمۡ عِندَ ٱلۡبَيۡتِ إِلَّا مُكَآءٗ وَتَصۡدِيَةٗۚ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
35. Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ لِيَصُدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيۡهِمۡ حَسۡرَةٗ ثُمَّ يُغۡلَبُونَۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحۡشَرُونَ
36. Kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Alle, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Jahannama baa loo taxaabi.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجۡعَلَ ٱلۡخَبِيثَ بَعۡضَهُۥ عَلَىٰ بَعۡضٖ فَيَرۡكُمَهُۥ جَمِيعٗا فَيَجۡعَلَهُۥ فِي جَهَنَّمَۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
37. Waa si uu Alle uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, uuna yeelo Jahannama gudaheeda. kuwaa weeye kuwa khasaaray.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ
38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay (8) . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).
8. Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (W.w. Al-Bukhaari).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٞ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِۚ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَىٰكُمۡۚ نِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ
40. Hadday (ka) jeesadaanna (Iimaanka), ogaada in Alle yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu,wanaag badanaana gargaarahu.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, Allena wax walba wuu Karaa.
9. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka.
10. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17 sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٖ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٖۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ
42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeenna waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
11. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلٗاۖ وَلَوۡ أَرَىٰكَهُمۡ كَثِيرٗا لَّفَشِلۡتُمۡ وَلَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
43. Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badanna, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذۡ يُرِيكُمُوهُمۡ إِذِ ٱلۡتَقَيۡتُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِكُمۡ قَلِيلٗا وَيُقَلِّلُكُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِهِمۡ لِيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗاۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمۡ فِئَةٗ فَٱثۡبُتُواْ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
45. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفۡشَلُواْ وَتَذۡهَبَ رِيحُكُمۡۖ وَٱصۡبِرُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
46. Oo adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, hana murmina, yeydaan niyad jabine xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samra.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرٗا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ
47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle 12. Allena wuu koobaa waxay falaan.
12. Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Alle, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo dano adduunyo iyo faan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِذۡ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّي جَارٞ لَّكُمۡۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلۡفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكُمۡ إِنِّيٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوۡنَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
48. (Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda (xun) oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Allena Ciqaabkiisu wuu daran yahay.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمۡۗ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise isku halleeya oo tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ
50. Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso kuwa gaaloobay iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada13.
13. Weedha waxaa laga tagay iyadoo aan la dhammeystirin waana si loo fahmo inta ka harsan iyadoo aan la xusin. Gunaanadkeeda waxaa looga tagay inay suureystaan akhristaha ama dhageystaha, waxayna u dhaceysaa: waxaad arkeysaa muuqaal naxdin leh.”
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
51. Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Alle aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
52. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay ku gaaloobeen Aayadaha Alle, markaasuu Alle u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرٗا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
53. Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلّٞ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
55. Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada (madaxa adag, macangagga ah), marka ma ay rumeynayaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٖ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ
56. Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ
57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, inay waantoobaan.
14. Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةٗ فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ
58. Haddaad ka cabsatona khiyaano xagga qolo (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Alle ma jecla khaa’imiinta.
15. Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ
59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan (wuuna soo qaban meelay gaaraanba).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٖ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ
60. U diyaarsadana waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
۞ وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
61. Hadday u iishaanna gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Alle. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
62. Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
63. Oo isu soo dumayna quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ
65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh (iyo tababar fiican), waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (tababar fiican leh iyo samir iyo adkeysi), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah (macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah), waayo waa dad aan wax fahmayn.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفٗاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ صَابِرَةٞ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii (waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah). Allena wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لَّوۡلَا كِتَٰبٞ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey16, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.
16. Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun xagge Alle ah oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar,2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّمَن فِيٓ أَيۡدِيكُم مِّنَ ٱلۡأَسۡرَىٰٓ إِن يَعۡلَمِ ٱللَّهُ فِي قُلُوبِكُمۡ خَيۡرٗا يُؤۡتِكُمۡ خَيۡرٗا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
70. Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَإِن يُرِيدُواْ خِيَانَتَكَ فَقَدۡ خَانُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ فَأَمۡكَنَ مِنۡهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaanna waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلَٰيَتِهِم مِّن شَيۡءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْۚ وَإِنِ ٱسۡتَنصَرُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيۡكُمُ ٱلنَّصۡرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
72. Kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday maalkooda iyo nafahooda jidka Alle iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Allena wuu arkaa waxaad fashaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ إِلَّا تَفۡعَلُوهُ تَكُن فِتۡنَةٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَفَسَادٞ كَبِيرٞ
73. Kuwa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan (Muslimiintoy) sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn17.
17. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii la magaacabo labo madaxweyne (khaliifo oo ay isku qabsadaan xukunka) dila labada midkoodii dambeeyey ee gardaran”. W.w. Muslim. Marka waa inay muslimiinta oo idil leeyihiin hal khaliifo (madaxwyne) oo ay is baheystaan dhammaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
74. Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ مَعَكُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ مِنكُمۡۚ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ
75. Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale sida Kitaabka Alle qoray18. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.
18. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: سۈرە ئەنپال
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - الترجمة الصومالية - يعقوب - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

تاقاش