የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ማዑን   አንቀጽ:

Suurada Al-maacuun

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.
Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2.
2. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ
4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ
5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ
6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ
7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ማዑን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት