የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ

ገፅ ቁጥር:close

external-link copy
89 : 27

مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٖ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ

89. Qofkii la yimaada wanaag [26] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin. info

[26]. Halkan wanaagga waxaa loola jeedaa towxiidka iyo camal kastoo san.

التفاسير: |

external-link copy
90 : 27

وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

90. Qofkiise la yimaada xumaan [27] waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)? info

[27]. Halkan xumaanta waxaa loola jeedaa shirkiga iyo macaasida.

التفاسير: |

external-link copy
91 : 27

إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٖۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [28] (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan). info

[28]. Waxaa loola jeedaa Makkah iyo hareeraheeda.

التفاسير: |

external-link copy
92 : 27

وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ

92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
93 : 27

وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعۡرِفُونَهَاۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan. info
التفاسير: |