Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሉቅማን   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا لُقۡمَٰنَ ٱلۡحِكۡمَةَ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِلَّهِۚ وَمَن يَشۡكُرۡ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٞ
12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Alle. Qofkii ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiise (Alle) ka abaal dhaca, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قَالَ لُقۡمَٰنُ لِٱبۡنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَيَّ لَا تُشۡرِكۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّ ٱلشِّرۡكَ لَظُلۡمٌ عَظِيمٞ
13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) Weyne5.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Aayadda Qur'aanka ee leh: 'Aan ku dheehin iimaankooda dulmi (gef ama gardarro)" loolama jeedo denbiyada yar yar ee dadku galaan ha ka galeen Alle ama iyaga ha iska galeene) waxaase loola jeedaa shirkiga, soo ma aydaan maqal Qowlka Alle : «Xaqiiq, shirkigu hubaal waa dulmi (gef) weyn. (W.w. Al-Bukhaari).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حَمَلَتۡهُ أُمُّهُۥ وَهۡنًا عَلَىٰ وَهۡنٖ وَفِصَٰلُهُۥ فِي عَامَيۡنِ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيۡكَ إِلَيَّ ٱلۡمَصِيرُ
14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalid. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَاۖ وَصَاحِبۡهُمَا فِي ٱلدُّنۡيَا مَعۡرُوفٗاۖ وَٱتَّبِعۡ سَبِيلَ مَنۡ أَنَابَ إِلَيَّۚ ثُمَّ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبُنَيَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٖ فَتَكُن فِي صَخۡرَةٍ أَوۡ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَأۡتِ بِهَا ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٞ
16. Maandhow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirka kore ama dhulka hoose, Alle wuu keeni. Hubaal, Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah Xeel Dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبُنَيَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأۡمُرۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَٱنۡهَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ
17. Maandhow! Oog salaadda oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُصَعِّرۡ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمۡشِ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخۡتَالٖ فَخُورٖ
18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, hana ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.
6. Bal waxa la doonayo waa inaad qaddariso dadka oo ku soo qaabisho wejigaaga oo dhan adigoo muusoonaya muujinaya farxad, oo aad u dhageysato si baraarug leh adigoo aad u daneynaya waxa ay kuu sheegayaan oo ka kala goyneyn hadalka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱقۡصِدۡ فِي مَشۡيِكَ وَٱغۡضُضۡ مِن صَوۡتِكَۚ إِنَّ أَنكَرَ ٱلۡأَصۡوَٰتِ لَصَوۡتُ ٱلۡحَمِيرِ
19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal, kan ugu xun codadka waa cida dameeraha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሉቅማን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት