Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሙሀመድ   አንቀጽ:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡلَا نُزِّلَتۡ سُورَةٞۖ فَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ مُّحۡكَمَةٞ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلۡقِتَالُ رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ نَظَرَ ٱلۡمَغۡشِيِّ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَأَوۡلَىٰ لَهُمۡ
20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
10. Suuraddaasoo loogu idmay mu’miniinta inay la dagaal galaan cadowyadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
طَاعَةٞ وَقَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلۡأَمۡرُ فَلَوۡ صَدَقُواْ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ
21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَهَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن تَوَلَّيۡتُمۡ أَن تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَتُقَطِّعُوٓاْ أَرۡحَامَكُمۡ
22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan11, inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?
11. Macno kale Ka jeesataan Islaamka ama jihaadka Jidka Alle. Sidoo kale waxa lagu fasiraa haddaad xil iyo jago qabataan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمۡ وَأَعۡمَىٰٓ أَبۡصَٰرَهُمۡ
23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ أَمۡ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقۡفَالُهَآ
24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَى ٱلشَّيۡطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمۡ وَأَمۡلَىٰ لَهُمۡ
25. Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لِلَّذِينَ كَرِهُواْ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمۡ فِي بَعۡضِ ٱلۡأَمۡرِۖ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِسۡرَارَهُمۡ
26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay12 waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga); Allena wuu Og yahay sirahooda.
12. Waxaa loola jeedaa Yuhuudddii Madiina degganayd waagaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ إِذَا تَوَفَّتۡهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ
27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُواْ مَآ أَسۡخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُواْ رِضۡوَٰنَهُۥ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ
28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخۡرِجَ ٱللَّهُ أَضۡغَٰنَهُمۡ
29. Mise waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሙሀመድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት