የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም አንቀጽ: (41) ምዕራፍ: ሱረቱ አል-ማኢዳህ
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ لَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِ مِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَلَمۡ تُؤۡمِن قُلُوبُهُمۡۛ وَمِنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْۛ سَمَّٰعُونَ لِلۡكَذِبِ سَمَّٰعُونَ لِقَوۡمٍ ءَاخَرِينَ لَمۡ يَأۡتُوكَۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ مِنۢ بَعۡدِ مَوَاضِعِهِۦۖ يَقُولُونَ إِنۡ أُوتِيتُمۡ هَٰذَا فَخُذُوهُ وَإِن لَّمۡ تُؤۡتَوۡهُ فَٱحۡذَرُواْۚ وَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ فِتۡنَتَهُۥ فَلَن تَمۡلِكَ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمۡۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ
41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday) qaata, haddiise aan la idin siinin (oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal), markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkuu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab daran.
8. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም አንቀጽ: (41) ምዕራፍ: ሱረቱ አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት