Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዛሪያት   አንቀጽ:
۞ قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah3.
3. Waa kuwaasi beeniyey Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن طِينٖ
33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ
34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha4.
4. Iyadoo dhagax walba lagu qoray magaca qofka lagu halaagayo oo ku dhiman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٖ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah5.
5. Luud iyo reerkiisa marka laga reebo xaaskiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةٗ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo6 kuwa (mu'miniinta) ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
6. Raad muujinaya halaaggii ku dhacay qolodii Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٞ
39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٞ
40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ
41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah7.
7. Aan dhalin wax faa’ido ah, khayr daran, macnaha waa shar xambaarsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ
42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka
dhigtay maahee digada oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٖ
43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٖ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ
45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٖ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ
48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
50. Ee u carara xagga8 Alle, waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
8. Waxaa loola jeedaa u laabta oo ka magan gala gaalnimo iyo denbi falid si aad uga badbaaddaan ciqaabkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዛሪያት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት