Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙጃደላ   አንቀጽ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَٰجَيۡتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَةٗۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ فَإِن لَّمۡ تَجِدُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ءَأَشۡفَقۡتُمۡ أَن تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَٰتٖۚ فَإِذۡ لَمۡ تَفۡعَلُواْ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka tawbad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مَّا هُم مِّنكُمۡ وَلَا مِنۡهُمۡ وَيَحۡلِفُونَ عَلَى ٱلۡكَذِبِ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدًاۖ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
15. Alle wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
16. Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa. Kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيَحۡلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
18. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan siday idiinku dhaartaan9 iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.
9. Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱسۡتَحۡوَذَ عَلَيۡهِمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمۡ ذِكۡرَ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱلشَّيۡطَٰنِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
19. Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Alle. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal waa xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡأَذَلِّينَ
20. Hubaal kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغۡلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِيٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ
21. Alle wuxuu qoray - hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. Hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙጃደላ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት