Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐሽር   አንቀጽ:
وَٱلَّذِينَ جَآءُو مِنۢ بَعۡدِهِمۡ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لَنَا وَلِإِخۡوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَا تَجۡعَلۡ فِي قُلُوبِنَا غِلّٗا لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٞ رَّحِيمٌ
10. Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نَافَقُواْ يَقُولُونَ لِإِخۡوَٰنِهِمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَئِنۡ أُخۡرِجۡتُمۡ لَنَخۡرُجَنَّ مَعَكُمۡ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمۡ أَحَدًا أَبَدٗا وَإِن قُوتِلۡتُمۡ لَنَنصُرَنَّكُمۡ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
11. Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَئِنۡ أُخۡرِجُواْ لَا يَخۡرُجُونَ مَعَهُمۡ وَلَئِن قُوتِلُواْ لَا يَنصُرُونَهُمۡ وَلَئِن نَّصَرُوهُمۡ لَيُوَلُّنَّ ٱلۡأَدۡبَٰرَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ
12. Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَأَنتُمۡ أَشَدُّ رَهۡبَةٗ فِي صُدُورِهِم مِّنَ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ
13. Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Alle. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يُقَٰتِلُونَكُمۡ جَمِيعًا إِلَّا فِي قُرٗى مُّحَصَّنَةٍ أَوۡ مِن وَرَآءِ جُدُرِۭۚ بَأۡسُهُم بَيۡنَهُمۡ شَدِيدٞۚ تَحۡسَبُهُمۡ جَمِيعٗا وَقُلُوبُهُمۡ شَتَّىٰۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَعۡقِلُونَ
14. Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama gidaarro 'iyo gawaari gaashaaman' gadaashood. Cadaawadda dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَمَثَلِ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ قَرِيبٗاۖ ذَاقُواْ وَبَالَ أَمۡرِهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
15. Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey8. Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
8. Waa Yahuuddii reer Banuu Qaynuqaac ee horay iyaguna looga raray Madiina.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَمَثَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِ إِذۡ قَالَ لِلۡإِنسَٰنِ ٱكۡفُرۡ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. (Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Alle, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐሽር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት