Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጁሙዓህ   አንቀጽ:

Al-jumcah

يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡمَلِكِ ٱلۡقُدُّوسِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, waa Boqorka, Daahirka, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
1. Al-Jumcah: Maalinta Jumcaha
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُوَ ٱلَّذِي بَعَثَ فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
2. Waa Isaga 'Alle' Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadahiisa, daahiriniya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo ku sugan habow cad.
2. Ummiyiinta waxaa loola jeedaa Carabta oo ahaa kuwo aan wax akhrisan, heysan markaa Kitaab iyo Dhambaal Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاخَرِينَ مِنۡهُمۡ لَمَّا يَلۡحَقُواْ بِهِمۡۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
3. (Wuxuu sidoo kale u diray) kuwo kale oo ka mid ah aan weli ku soo biirin. Alle waa Aadkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
4. Arrinkaasi (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaahay uu siiyo cidduu doono. Alle waa deeq iyo Fadli weyn yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ ثُمَّ لَمۡ يَحۡمِلُوهَا كَمَثَلِ ٱلۡحِمَارِ يَحۡمِلُ أَسۡفَارَۢاۚ بِئۡسَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
5. Tusaalaha kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer xambaarsan kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Alle. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
3. Waa dayacay xilkooda ka saarnaa inay dhaqan geliyaan waxa ku soo arooray oo amarro ah Kitaabkooda oo ka joogaan waxa laga reebay.
4. Ha yeeshee aan ka faa’idin waxa ku yaal oo xikmad iyo khayr ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ هَادُوٓاْ إِن زَعَمۡتُمۡ أَنَّكُمۡ أَوۡلِيَآءُ لِلَّهِ مِن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
6.Dheh: Idinka heysta diinta Yuhuudiyadow! Haddaad sheegataan inaad tihiin awliyo Alle5, dadka kale ka sokow, jeclaada dhimasho haddaad run sheegeysaan.
5. Awliyo Alle waxaa loola jeedaa kuwo rumeysan Allaah oo iska jira shirkiga iyo macaasida, awliyo Ilaahay waa kuwa ku dhaqma sharciga Ilaahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَتَمَنَّوۡنَهُۥٓ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
7.Ma jeclaanayaanna weligood (dhimasho) waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah). Alle waa Og yahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّ ٱلۡمَوۡتَ ٱلَّذِي تَفِرُّونَ مِنۡهُ فَإِنَّهُۥ مُلَٰقِيكُمۡۖ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጁሙዓህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት