Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት ተጋቡን   አንቀጽ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ يَهۡدِ قَلۡبَهُۥۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Qofkiina rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَۚ فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ وَأَوۡلَٰدِكُمۡ عَدُوّٗا لَّكُمۡ فَٱحۡذَرُوهُمۡۚ وَإِن تَعۡفُواْ وَتَصۡفَحُواْ وَتَغۡفِرُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan3, Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).
3. Waxay ku noqon karaan ilmuhu fidmo iyagoo ku xambaara waalidiinta inay falaan waxyaalaha la reebay ee xaaraanta ah .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُمۡ وَٱسۡمَعُواْ وَأَطِيعُواْ وَأَنفِقُواْ خَيۡرٗا لِّأَنفُسِكُمۡۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفۡسِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
16. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle intii karaankiinna ah4; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.
4. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Markaan wax idin amro la imaada waxaad kartaan, markaanse wax idinka reebo ka reebtoonaada oo ka fogaada”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن تُقۡرِضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا يُضَٰعِفۡهُ لَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ
17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Alle darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn), Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Allena waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት ተጋቡን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት