Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጂን   አንቀጽ:
وَأَنَّا مِنَّا ٱلۡمُسۡلِمُونَ وَمِنَّا ٱلۡقَٰسِطُونَۖ فَمَنۡ أَسۡلَمَ فَأُوْلَٰٓئِكَ تَحَرَّوۡاْ رَشَدٗا
14. Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمَّا ٱلۡقَٰسِطُونَ فَكَانُواْ لِجَهَنَّمَ حَطَبٗا
15. Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلَّوِ ٱسۡتَقَٰمُواْ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسۡقَيۡنَٰهُم مَّآءً غَدَقٗا
16. Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَمَن يُعۡرِضۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِۦ يَسۡلُكۡهُ عَذَابٗا صَعَدٗا
17. Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ ٱلۡمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدۡعُواْ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدٗا
18. Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Alle keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبۡدُ ٱللَّهِ يَدۡعُوهُ كَادُواْ يَكُونُونَ عَلَيۡهِ لِبَدٗا
19. Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhawaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّمَآ أَدۡعُواْ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِهِۦٓ أَحَدٗا
20. Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنِّي لَآ أَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا رَشَدٗا
21. Dheh: Anigu xaqiiq idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنِّي لَن يُجِيرَنِي مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٞ وَلَنۡ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدًا
22. Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا بَلَٰغٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَٰلَٰتِهِۦۚ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا
23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka). Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ أَضۡعَفُ نَاصِرٗا وَأَقَلُّ عَدَدٗا
24. Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٞ مَّا تُوعَدُونَ أَمۡ يَجۡعَلُ لَهُۥ رَبِّيٓ أَمَدًا
25. Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli waqti go’an.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ فَلَا يُظۡهِرُ عَلَىٰ غَيۡبِهِۦٓ أَحَدًا
26. Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنِ ٱرۡتَضَىٰ مِن رَّسُولٖ فَإِنَّهُۥ يَسۡلُكُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ رَصَدٗا
27. Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيَعۡلَمَ أَن قَدۡ أَبۡلَغُواْ رِسَٰلَٰتِ رَبِّهِمۡ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيۡهِمۡ وَأَحۡصَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ عَدَدَۢا
28. Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጂን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት