የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ፈጅር   አንቀጽ:

Suurada Al-fajr

وَٱلۡفَجۡرِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay waaberiga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَيَالٍ عَشۡرٖ
2. Iyo habeennada tobanka ah1.
1. Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلشَّفۡعِ وَٱلۡوَتۡرِ
3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَسۡرِ
4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٞ لِّذِي حِجۡرٍ
5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِرَمَ ذَاتِ ٱلۡعِمَادِ
7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa (sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّتِي لَمۡ يُخۡلَقۡ مِثۡلُهَا فِي ٱلۡبِلَٰدِ
8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُواْ ٱلصَّخۡرَ بِٱلۡوَادِ
9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِرۡعَوۡنَ ذِي ٱلۡأَوۡتَادِ
10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee lahaa (Boqortooyada iyo ciidammada tirada badan iyo dhismooyin dhaadheer iyo) tiirar ( xabsiyo la geeyo dadka oo lagu caddibo)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ طَغَوۡاْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَكۡثَرُواْ فِيهَا ٱلۡفَسَادَ
12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَصَبَّ عَلَيۡهِمۡ رَبُّكَ سَوۡطَ عَذَابٍ
13. Markaasuu (Alle) Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلۡمِرۡصَادِ
14. Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَمَّا ٱلۡإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكۡرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَكۡرَمَنِ
15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيۡهِ رِزۡقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَهَٰنَنِ
16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَلَّاۖ بَل لَّا تُكۡرِمُونَ ٱلۡيَتِيمَ
17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَأۡكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكۡلٗا لَّمّٗا
19. Waxaad cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتُحِبُّونَ ٱلۡمَالَ حُبّٗا جَمّٗا
20. Oo aad jeceshihiin Maalka jaceyl daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَلَّآۖ إِذَا دُكَّتِ ٱلۡأَرۡضُ دَكّٗا دَكّٗا
21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلۡمَلَكُ صَفّٗا صَفّٗا
22. Oo (Allaah) Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجِاْيٓءَ يَوۡمَئِذِۭ بِجَهَنَّمَۚ يَوۡمَئِذٖ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكۡرَىٰ
23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي قَدَّمۡتُ لِحَيَاتِي
24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٞ
25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٞ
26. Cidna wax uma xidho (si adag sida),
Xidhidda (Alle) oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفۡسُ ٱلۡمُطۡمَئِنَّةُ
27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱرۡجِعِيٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةٗ مَّرۡضِيَّةٗ
28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱدۡخُلِي فِي عِبَٰدِي
29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱدۡخُلِي جَنَّتِي
30. Gal Jannadeyda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ፈጅር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት