للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: هود   آية:
وَيَٰقَوۡمِ لَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شِقَاقِيٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثۡلُ مَآ أَصَابَ قَوۡمَ نُوحٍ أَوۡ قَوۡمَ هُودٍ أَوۡ قَوۡمَ صَٰلِحٖۚ وَمَا قَوۡمُ لُوطٖ مِّنكُم بِبَعِيدٖ
89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.
التفاسير العربية:
وَٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٞ وَدُودٞ
90. Ee weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una tawbad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii tawbad keenta).
التفاسير العربية:
قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفٗاۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٖ
91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna.
التفاسير العربية:
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَهۡطِيٓ أَعَزُّ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَٱتَّخَذۡتُمُوهُ وَرَآءَكُمۡ ظِهۡرِيًّاۖ إِنَّ رَبِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ
92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan.
التفاسير العربية:
وَيَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَمَنۡ هُوَ كَٰذِبٞۖ وَٱرۡتَقِبُوٓاْ إِنِّي مَعَكُمۡ رَقِيبٞ
93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).
التفاسير العربية:
وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا شُعَيۡبٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَأَخَذَتِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ
94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda [26].
26 Ummadahaasoo dhan waa la rogay.
التفاسير العربية:
كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّمَدۡيَنَ كَمَا بَعِدَتۡ ثَمُودُ
95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud.
التفاسير العربية:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
96. Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad.
التفاسير العربية:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ فِرۡعَوۡنَۖ وَمَآ أَمۡرُ فِرۡعَوۡنَ بِرَشِيدٖ
97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: هود
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق