للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: مريم   آية:

سورة مريم - Maryam

كٓهيعٓصٓ
1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad [1].
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
التفاسير العربية:
ذِكۡرُ رَحۡمَتِ رَبِّكَ عَبۡدَهُۥ زَكَرِيَّآ
2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.
التفاسير العربية:
إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيّٗا
3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah).
التفاسير العربية:
قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ ٱلۡعَظۡمُ مِنِّي وَٱشۡتَعَلَ ٱلرَّأۡسُ شَيۡبٗا وَلَمۡ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيّٗا
4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.
التفاسير العربية:
وَإِنِّي خِفۡتُ ٱلۡمَوَٰلِيَ مِن وَرَآءِي وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا فَهَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا
5. Waxaana u cabsan xigtada [2] iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad' [3].
2. Qaraabada dhinaca aabbaha ah
3. Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta reer Israa’iil.
التفاسير العربية:
يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنۡ ءَالِ يَعۡقُوبَۖ وَٱجۡعَلۡهُ رَبِّ رَضِيّٗا
6. I dhaxla [4], dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.
4. Iga dhaxla cilmiga diinta iyo Nabinnimada ee loola ma jeedo maalka, waayo anbiyadu lagama dhaxlo maal adduunyo, waxay ka tagaan oo maal ahna waa sadaqo.
التفاسير العربية:
يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسۡمُهُۥ يَحۡيَىٰ لَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ مِن قَبۡلُ سَمِيّٗا
7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.
التفاسير العربية:
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا وَقَدۡ بَلَغۡتُ مِنَ ٱلۡكِبَرِ عِتِيّٗا
8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.
التفاسير العربية:
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞ وَقَدۡ خَلَقۡتُكَ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ تَكُ شَيۡـٔٗا
9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu yidhi [5]: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.
5. Alle Subxaanahu watacaalaa uu u soo faray malaa’igta.
التفاسير العربية:
قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّيٓ ءَايَةٗۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٖ سَوِيّٗا
10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”
التفاسير العربية:
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنَ ٱلۡمِحۡرَابِ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ أَن سَبِّحُواْ بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا
11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: مريم
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق