222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Alle idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa tawbad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya.
223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta.
224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.