168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka [34], hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
[34]. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Alle ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali.