للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: الأنبياء   آية:
وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِمۡ فِعۡلَ ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَإِقَامَ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءَ ٱلزَّكَوٰةِۖ وَكَانُواْ لَنَا عَٰبِدِينَ
73. Waxaana ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Alle Keliya caabuda).
التفاسير العربية:
وَلُوطًا ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗا وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِي كَانَت تَّعۡمَلُ ٱلۡخَبَٰٓئِثَۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٖ فَٰسِقِينَ
74. Luudna Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ee ahayd mid xumo20 fasha. Waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah.
20. Xumahaas oo ahaa shirki, gaalnimo, fuulitaanka ragga, khaniisnimo, tuugo, boob, dhac, jid gooyo, iwm iyagoo waxaasi oo idil u fali jiray si bareer ah.
التفاسير العربية:
وَأَدۡخَلۡنَٰهُ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
75. Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan.
التفاسير العربية:
وَنُوحًا إِذۡ نَادَىٰ مِن قَبۡلُ فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
76. Nuuxna waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore21. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).
21. Macnaha uu habaaray qolodiisii kuwaasoo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida.
التفاسير العربية:
وَنَصَرۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٖ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ
77. Waana uga gargaarnay qolodii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen qolo xun, mrkaasaan harqinnay dhammaan.
التفاسير العربية:
وَدَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ إِذۡ يَحۡكُمَانِ فِي ٱلۡحَرۡثِ إِذۡ نَفَشَتۡ فِيهِ غَنَمُ ٱلۡقَوۡمِ وَكُنَّا لِحُكۡمِهِمۡ شَٰهِدِينَ
78. (Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah (arka).*
* Wuxuu Daawuud xukumay in adhigaa beertaa daaqay la siiyo ninkii lahaa beerta khasaarahii loo geystey darteed.
التفاسير العربية:
فَفَهَّمۡنَٰهَا سُلَيۡمَٰنَۚ وَكُلًّا ءَاتَيۡنَا حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَسَخَّرۡنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلۡجِبَالَ يُسَبِّحۡنَ وَٱلطَّيۡرَۚ وَكُنَّا فَٰعِلِينَ
79. Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay (waxaasi oo idil) 22.
22. Macnaha waa inuu Alle mar waliba karo inuu fuliyo wuxuu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey.
التفاسير العربية:
وَعَلَّمۡنَٰهُ صَنۡعَةَ لَبُوسٖ لَّكُمۡ لِتُحۡصِنَكُم مِّنۢ بَأۡسِكُمۡۖ فَهَلۡ أَنتُمۡ شَٰكِرُونَ
80. Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?
التفاسير العربية:
وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ عَاصِفَةٗ تَجۡرِي بِأَمۡرِهِۦٓ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيۡءٍ عَٰلِمِينَ
81. Sulaymaanna (waxaan u sakhirnay) dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: الأنبياء
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق