ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: يس   آية:

سورة يس - Suurada Yaasiin

يسٓ
1. Yaasiin1.
1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
التفاسير العربية:
وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.
التفاسير العربية:
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.
التفاسير العربية:
عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.
التفاسير العربية:
تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.
التفاسير العربية:
لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ
6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.
التفاسير العربية:
لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).
التفاسير العربية:
إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ
8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin (marka way ka xidhan yihiin khayr oo dhan, Xaqana ma arkaan).
التفاسير العربية:
وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ
9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).
التفاسير العربية:
وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
10. Waana isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).
التفاسير العربية:
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ
11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).
التفاسير العربية:
إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ
12. Waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar), wax walbana waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).
2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofka markuu dhinto wuu go’aa camalkiisu seddex mooyee: Cilmi lagu intifaaco, ilmo suubban (wanaagsan) oo u soo duceeya iyo sadaqo u socota (waqaf)”.
التفاسير العربية:
وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).
التفاسير العربية:
إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ
14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid saddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
التفاسير العربية:
قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ
15.Waxay(dadkii magaalada) yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.
التفاسير العربية:
قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ
16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
التفاسير العربية:
وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
17. Namana saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).
التفاسير العربية:
قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ
18. Waxay (dadkii magaalada) yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.
التفاسير العربية:
قَالُواْ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ
19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.
3. Gooddinta aad noo gooddineysaan ma waxaa u sabab ah inaan wax xaq ah idiin sheegno oo idinku waaninno.
التفاسير العربية:
وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;
التفاسير العربية:
ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ
21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.
التفاسير العربية:
وَمَالِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan ifka i keenay? Xaggiisaana la idin soo celin.
التفاسير العربية:
ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدۡنِ ٱلرَّحۡمَٰنُ بِضُرّٖ لَّا تُغۡنِ عَنِّي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يُنقِذُونِ
23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?
التفاسير العربية:
إِنِّيٓ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
24. Markaa Waxaan ku suganahay habow cad.
التفاسير العربية:
إِنِّيٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمۡ فَٱسۡمَعُونِ
25. Anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.
التفاسير العربية:
قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ
26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan4.
4. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.
التفاسير العربية:
بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ
27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!
التفاسير العربية:
۞ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنۢ بَعۡدِهِۦ مِن جُندٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ
28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas.
التفاسير العربية:
إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ خَٰمِدُونَ
29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen.
التفاسير العربية:
يَٰحَسۡرَةً عَلَى ٱلۡعِبَادِۚ مَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin.
التفاسير العربية:
أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ أَنَّهُمۡ إِلَيۡهِمۡ لَا يَرۡجِعُونَ
31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?
التفاسير العربية:
وَإِن كُلّٞ لَّمَّا جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ
32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni.
التفاسير العربية:
وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلۡأَرۡضُ ٱلۡمَيۡتَةُ أَحۡيَيۡنَٰهَا وَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهَا حَبّٗا فَمِنۡهُ يَأۡكُلُونَ
33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan.
التفاسير العربية:
وَجَعَلۡنَا فِيهَا جَنَّٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ وَفَجَّرۡنَا فِيهَا مِنَ ٱلۡعُيُونِ
34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah).
التفاسير العربية:
لِيَأۡكُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتۡهُ أَيۡدِيهِمۡۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ
35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?
5. Macno kale: Waa inay wax ka cunaan waxa ay gacmahoodu faleen (beereen oo soo goosteen). Labada macnoba waa sax.
التفاسير العربية:
سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلۡأَرۡضُ وَمِنۡ أَنفُسِهِمۡ وَمِمَّا لَا يَعۡلَمُونَ
36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn.
التفاسير العربية:
وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلَّيۡلُ نَسۡلَخُ مِنۡهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظۡلِمُونَ
37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan.
التفاسير العربية:
وَٱلشَّمۡسُ تَجۡرِي لِمُسۡتَقَرّٖ لَّهَاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
التفاسير العربية:
وَٱلۡقَمَرَ قَدَّرۡنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلۡعُرۡجُونِ ٱلۡقَدِيمِ
39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday.
التفاسير العربية:
لَا ٱلشَّمۡسُ يَنۢبَغِي لَهَآ أَن تُدۡرِكَ ٱلۡقَمَرَ وَلَا ٱلَّيۡلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِۚ وَكُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ
40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi.
التفاسير العربية:
وَءَايَةٞ لَّهُمۡ أَنَّا حَمَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday.
6. Weedha durriyad halkan waxaa loola jeedaa fir (waa inay yihiin firkii Nuux) ee laga badbaadshay daadkii weynaa ee lagu halaagay qoonkii Nuux.
التفاسير العربية:
وَخَلَقۡنَا لَهُم مِّن مِّثۡلِهِۦ مَا يَرۡكَبُونَ
42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.
التفاسير العربية:
وَإِن نَّشَأۡ نُغۡرِقۡهُمۡ فَلَا صَرِيخَ لَهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنقَذُونَ
43. Haddaan doonnona waanu qarqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.
التفاسير العربية:
إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ
44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.
التفاسير العربية:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُواْ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيكُمۡ وَمَا خَلۡفَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto (ma maqlaan)8.
7. Waxaa loola jeedaa Aakhirada iyo cadaabkeeda iyo adduunka iyo xaaladahiisa kala duwan.
8. Macnaha way iska dhego tiraan waanooyinka oo dan u geli waayaan digniinaha.
التفاسير العربية:
وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
46. Uma timaaddona calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.
التفاسير العربية:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنُطۡعِمُ مَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطۡعَمَهُۥٓ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.
التفاسير العربية:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?
التفاسير العربية:
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ تَأۡخُذُهُمۡ وَهُمۡ يَخِصِّمُونَ
49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo9, qabaneysa iyagoo murmi.
9. Erey ahaan macnaha waa dhawaaq ama qeylo daran, waxaana loola jeedaa afuufka koowaad ee Buunka uu dhiman noole kasta oo dhulka jooga digniin hore la’aan.
التفاسير العربية:
فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ تَوۡصِيَةٗ وَلَآ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ يَرۡجِعُونَ
50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.
التفاسير العربية:
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يَنسِلُونَ
51. Buunkaa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.
10. Waxaa loola jeedaa afuufka labaad ee Buunka, markaasoo ay ka soo bixi doonaan qubuuraha iyagoo la soo nooleeyey.
التفاسير العربية:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرۡقَدِنَاۜۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.
التفاسير العربية:
إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ
53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham-
maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.
التفاسير العربية:
فَٱلۡيَوۡمَ لَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗا وَلَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
54. Marka Maalinta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.
التفاسير العربية:
إِنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ ٱلۡيَوۡمَ فِي شُغُلٖ فَٰكِهُونَ
55. Ehlu-Jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.
التفاسير العربية:
هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ
56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.
التفاسير العربية:
لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.
التفاسير العربية:
سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ
58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).
التفاسير العربية:
وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
59. Soocma maanta denbiilayaashow11!
11. Waa ka baxa safka mu’miniinta oo gooni u istaaga si la idiinka garto iyaga.
التفاسير العربية:
۞ أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
التفاسير العربية:
وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.
التفاسير العربية:
وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ
62. Wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?
التفاسير العربية:
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
63.waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.
التفاسير العربية:
ٱصۡلَوۡهَا ٱلۡيَوۡمَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.
التفاسير العربية:
ٱلۡيَوۡمَ نَخۡتِمُ عَلَىٰٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَتُكَلِّمُنَآ أَيۡدِيهِمۡ وَتَشۡهَدُ أَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaana nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).
التفاسير العربية:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَطَمَسۡنَا عَلَىٰٓ أَعۡيُنِهِمۡ فَٱسۡتَبَقُواْ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبۡصِرُونَ
66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan12?
12. Alle s.w.t. wuu kaga tegi karay aadmiga hanuunin la’aan nolosha adduunkan, ha yeeshee ma uusan yeelin sidaas Naxariistiisa awgeed.
التفاسير العربية:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَمَسَخۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمۡ فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مُضِيّٗا وَلَا يَرۡجِعُونَ
67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna13.
13. Alle s.w.t. wuu ka celin karay aadmiga inuu sameeyo wax dan u ah adduunkan ama Aakhirada, sidaas oy tahay ma uusan yeelin.
التفاسير العربية:
وَمَن نُّعَمِّرۡهُ نُنَكِّسۡهُ فِي ٱلۡخَلۡقِۚ أَفَلَا يَعۡقِلُونَ
68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?
التفاسير العربية:
وَمَا عَلَّمۡنَٰهُ ٱلشِّعۡرَ وَمَا يَنۢبَغِي لَهُۥٓۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ وَقُرۡءَانٞ مُّبِينٞ
69. Mana aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.
التفاسير العربية:
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيّٗا وَيَحِقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.
التفاسير العربية:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ
71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?
التفاسير العربية:
وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ
72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.
التفاسير العربية:
وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ
73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn (Alle)?
التفاسير العربية:
وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ
74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale inay u gargaaraan.
التفاسير العربية:
لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ
75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada14.
14. Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda.
التفاسير العربية:
فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ
76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.
التفاسير العربية:
أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ
77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Mise waa col iska cad oo dood badan15.
15. Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado.
التفاسير العربية:
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ
78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay16?
16. Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha.
التفاسير العربية:
قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ
79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. (Allena) waa u Xog ogaal uunka oo idil.
التفاسير العربية:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ
80. (Alle waa) Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.
التفاسير العربية:
أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
17. Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro.
التفاسير العربية:
إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.
التفاسير العربية:
فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin18.
18. Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: يس
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب - فهرس التراجم

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق