29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna [24] (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
[24]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay, waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari.