ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: الليل   آية:

سورة الليل - Suurada Al-layl

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).
التفاسير العربية:
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);
التفاسير العربية:
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ
3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.
التفاسير العربية:
إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ
4. Camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.
التفاسير العربية:
فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ
5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).
التفاسير العربية:
وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):
التفاسير العربية:
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ
7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).
التفاسير العربية:
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ
8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).
التفاسير العربية:
وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).
التفاسير العربية:
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ
10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);
التفاسير العربية:
وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ
11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.
التفاسير العربية:
إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ
12. Annagaa (Alle ah) wax hanuuninna,
التفاسير العربية:
وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ
13. Oo Annagaa leh Aakhiro iyo adduunba.
التفاسير العربية:
فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارٗا تَلَظَّىٰ
14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.
التفاسير العربية:
لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى
15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.
التفاسير العربية:
ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.
التفاسير العربية:
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى
17. Waxaa laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha).
التفاسير العربية:
ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ
18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.
التفاسير العربية:
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٖ تُجۡزَىٰٓ
19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.
التفاسير العربية:
إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.
التفاسير العربية:
وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ
21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: الليل
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب - فهرس التراجم

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق