[1]. Eeg sharaxa SuuraddaAl-Baqarah: Aayadda 1.
[2]. Mid keliya uu ka soo baxo jirridkii, iyo kuwo halkii jirrid dhowr geed ka soo baxaan.
[3]. Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Alle ahayn.
[4]. Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda.
[5]. Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Alle iyo denbi dhaafkiisa.
[6]. Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira.
[7]. Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka.
[8]. Iyagoo isku beddela moogaaleysi.
[9]. Waxaa weedhan loo qaadan karaa sidoo kale : kuwaasoo ka ilaaliya wax kasta wixii Alle u qoray oo qaddaray maahee.
[10]. Waa ciqaab ama halaagid denbiyadooda dartood.
[11]. Macnaha waxaa weeye in ilaahyada beenta ah ayan marnaba ajiibin baryadooda.
[12]. Waxaa halkaas laga qaadanayaa in ilaahyadaa ay sheegeen, ayan awood u lahayn inay wax abuuraan, oo aan la barbar dhigi karin Alle sinnaba.
[13]. Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”.
[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Jannada waxaa ah geed uu u socdo hooskeeda kan gaadiid saaran boqol sano oo uusan goyneyn. W.w. Al-Bukhaari.
[15]. Sida ay soo jeediyeen oo dalbeen gaalada.
[16]. Inaad ku sifeysaan ilaahnimo cidaan ahayn Alle.
[17]. Alle wuxuu lumiyaa qofka xun ee lunsan diiddiisa xaqa awgeed iyo inuusan doonin hanuunka.
[18]. Yuhuuddii iyo Nasaaradii soo galay islaamka.
[19].Casri kasta wuxuu leeyahay axkaan uu Alle u jideeyo addoomahiisa oo ku saleysan Xikmaddiisa.
[20].Waa Looxa Maxfuudka oo ay ku qoran yihiin asalka Kitaab kasta uu Alle soo waxyooday iyo wax kasta oo Alle qaddaray.
[21].Waxay tilmaameysaa fiditaanka islaamka, iyo soo yaraanshaha dhulalka ay ka taliyaan mushrikiinta.
[22]. Culimadii ehlu kitaabka ee soo galay islaamka. Waa kuwa garta xaqa iyagoo adeegsanaya cilmiga ay u lahaayeen kutubtii hore.